Русские видео

Сейчас в тренде

Иностранные видео


Скачать с ютуб jaamac hadaaf в хорошем качестве

jaamac hadaaf 13 лет назад


Если кнопки скачивания не загрузились НАЖМИТЕ ЗДЕСЬ или обновите страницу
Если возникают проблемы со скачиванием, пожалуйста напишите в поддержку по адресу внизу страницы.
Спасибо за использование сервиса savevideohd.ru



jaamac hadaaf

Allaha u naxariistee Jaamac Aadan Xuseen waxa uu ku dhashay Hargeysa (Somaliland) qiyaastii 1900 iyo dhawr iyo soddonkii. Sida uu sheegay mar lagu waraystay (R.T.D.) fanka waxa uu ku soo biiray 1958kii. Kooxdii Walaalo Hargeysa oo berigaa caan ahayd ayaan u tegi jirey oo aabbo iigu ahayd fanka ayuu yidhi, heestii Qaraamida ee Nugul ayaan ku heesay berigaa. 1900 iyo lixdannadii oo bilawgii ah ayuu Xamar u wareegay isagoo ku biiray kooxdii Radiyo Muqdisho, halkaa oo uu ka qaaday dhawr heesood. Heesihii uu berigaa kaga heesi jirey Raadiyo Muqdisho waxaan ka xasuustaa, hees waddani ahayd oo ereyadeeda ay ka mid ahaayeen. Gaashaanka qaatoo Inta cadawga goostoo Gudintana afaysta 1964kii ayuu Jabuuti u soo wareegay, halkii ayuuna fankiisii ka sii waday. Jaamac oo ahaa qof fanka aad iyo aad u jeclaa sida uu sheegay mar lagu waraystay barnaamijka Hobol iyo Habeenkii ee laga sii daayo Telefiishanka Jabuuti (RTD) sannadkii 2000. Waxaan ku biiray buu yidhi berigaan Jabuuti imid kooxdii fanka ee la odhan jirey(Bonne sperence). Jaamac Aadan qalabyada muusiga lagu tumo mid ka mida oo la yidhaa darbuukadda ayuu si wanaagsan u tumi jirey. Jaamac Aadan oo ahaa fannaan aad u cod macaan, 1965kii ayaa heestiisii u horreysay laga sii daayey Radiyo Jabuuti. Heestaa oo noqotay hees aad iyo aad u macaan dad oo dhan soo jiidata marka laga maqlo Raadiyo Jabuuti. Heestaa ereyadeeda Jaamac laftiisa ayaa curiyey isla markaana laaxinka saaray,midhaheeda waxa ka mid ah. Adduunkaa intaan ku noolahay Anigu ku illaawi maayee Bal soo orod ubax la moodyey Adaan kuu ooyayaaye Adoo kale lama arkaayee Haddaadaan I imaanayn Ku eedaye igu ogow Hablii kale waan illaawoo Adaan ku ilaashanaayee Bal soo orod ubax la moodyey Adaan kuu ooyayaaye Haddaadaan ii imaanayn Ku eedaye igu ogow Uurkaygaan kugu hayaayoo Afkana kaa sheegi maayee Bal soo orod ubax la moodyey Adaan kuu ooyayaaye Adoo kale lama arkaayee Haddaadaan I imaanayn Ku eedaye igu ogow Allaha u naxariistee Jaamac Aadan heesaha kale ee uu curiyey waxa ka mida,heestii u horreysay ee ay qaadday fankana ay ku bilawday fannaanadda caanka ah ee Nimca Jaamac Migil sannadkii 1964kii. Heestaa ereyadeeda waxa ka mida. Alla aaway aaway Axdigeennii aaway Ubax iyo magool buu Ka udgoon badnaayoo Eegmadiisa keliyaan Ku il doogsanaayee Araggiisi waayaye Ma ifkuu ku nool yahay Alla aaway aaway Kaan eeganaayey aaway Araggiisi waayaye aaway Jaamac intii uu ku dhex jiray fanka heesihii uu qaaday tiradooda oo dhan ma sheegi karno, hasayeeshee inta weli ku kaydsan golaha Raadiyooga iyo Telefiishanka Jabuuti ee (RTD) waa kow iyo soddon Heesood. 1977kii wixii ka dambeeyey uu ka fadhiistay fanka wuxuuna ahaa ruux u go'ay meheraddiisii oo qudha.Jaamac Aadan oo loo yaqaannay Hadaaf waxa uu ahaa farsamo yaqaan tolmaha kabaha ku talax tegey oo aad loo jeclaa.Qof dabeecad wanaagsan leh oo magaalada Jabuuti macaamiil badan ku leh ayuu ahaa.Intaa waxa uu ku darsaday oo u dheerayd isagoo caaqil buuxa u ahaa beeshii uu ka dhashay,wixii ismaan dhaaf ku yimaadda beeshiisa isaga ayaa loo keeni jirey oo furdaaminayey.Allaha u naxariistee Jaamac Aadan sannadkii 2005tii ayuu ku geeryooday Jabuuti. U dambayn aan ku soo xidho maanso uu u tiriyey wiilkiisa,isagoo ka warramaya sababtii ay ku soo baxday maansadan uu wiilkiisa u tiriyey Waxa uu yidhi.Xaaskayga markaan guursaday waxay ii dhashay oo ay Isku xigsiisay shan gabdhood,ilmihii lixaad baa wiil noqday.Wiilkii baan Farxaan u bixiyey oo aan maansadan u tiriyey,waxaan idhi. Farxaanow aabbo I deeqdaye Hablihiinna daryeeloo Weligaa dacal joog Wixii Diinta ku ceebee Dadnimadooda xumayniyo Ka ilaali dugaagga Hooyadaa waa Dahaboo Dusha waatii kugu qaaddee Daryeelkii noloshaada Diif weyn baaba ku gaadhayoo Haatan wey damqataaye Dusha saaroo Xajka gee Dambigoo dhan ka maydh Haddii aad guur damacdo Mid dabeecad wanaagsan Oo aniga ii darraanin Hooyadaana dagaalin Daa'inkay ha ku siiyo Doqonniimiyo beenta Dadka waysku nacdaane Dibnahaaga ka dhawroo Dunidaa waxa jooga Doorronohooda ahaw Intaa baan ku soo gaabin sooyaalkii Jaamac Aadan oo aan soo koobay. Ilaahay naxariistii janno ha siiyo,qoyskiisii iyo eheladiisiina samir iyo iimaan ha ka siiyo, AAMIIN. Cabdalla Xaaji Cusmaan

Comments